Howlgallo ka socda wali Gaalkacyo (VIDEO)

Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa wali howlgallo ka wada magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, iyagoona ku beegsanaya kooxaha falalka ammaan-darro ka geysan jiray magaalada iyo dadka ka ganacsada maandooriyaha.

Ciidammadan howlgalada wada oo ah isku dhaf ayaa waxaa ay u badan yihiin Ciidammo bil kahor lagu daabulay Gaalkacyo, waxaana ay Ciidammadu xabsiga u taxaabeen dad fara-badan oo u badan dhalinyaro kuwaas oo lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen falalka ammaan-darro ee ka dhaca Gaalkacyo.

Sidoo kale, Ciidammada howlgallada wada ayaa beegsanaya goobo lagu iibiyo maandooriyaha khamrida, waxaana intii howlgaladan socdeen gacanta lagu dhigay khamri fara-badan iyo dadkii ka ganacsanayay.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii ugu dambeeyay soo wanaagsanaanayay, iyadoona magaalada ay ku sugan yihiin Wasiiro & Xildhibaano katirsan Puntland oo ay kamid yihiin Wasiirada Amniga iyo Maaliyadda Puntland oo diiwaan-gelinta Ciidammada ka wada Gobalka Mudug.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.