Madaxweyne Deni oo markii ugu horeysay tagaya Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu bartamaha todobaadkan gaaro ka amba-baxo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, isagoona ku wajahan Magaalada Muqdisho.

Socdaalka Madaxweyne Deni ayaa noqon doona Safarkii ugu horeeyey ee uu ku tago Muqdisho, tan iyo markii la doortay, oo haatan ay kasoo wareegtay in ka badan Sanad iyo bar.

Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha Puntland ee Muqdisho ayaa la xariirta ka qeybgalka Shir looga hadlayo Arrimaha Doorashooyinka Soomaaliya ee 2021 – 2021, isagoona kulamo la qaadan doona Madaxweynaha DFS, iyo Safiirada Beesha caalamka ee ku sugan Xalane.

Safarka Madaxweynaha Puntland ayaa lagu Iclaamiyay kaddib Shirar 2 maalmood socday oo Garoowe uu kala yeeshay Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, oo isaguna tagaya Magaalada Muqdisho.