Mahdi Guuleed oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidammada qalabka sida (Sawirro)

Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa kulan la qaatay Taliska hoggaannada Ciidanka Xoogga dalka iyo Madaxda Wasaaradda difaaca Dalka.

Kulanka ayaa looga hadlay dar-dar gelinta iyo dhammeystirka dib-u-habeynta Ciidamada, Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed ayaana saraakiisha kula dardaarmay in la kordhiyo la dagaalanka Al-Shabaab iyo sidii loo sugi lahaa amniga dalka.