Masuuliyiintii Degmooyinka Bookh iyo Wardheer oo Xilkii laga qaaday (Akhriso)

Xukuumadda Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xil ka qaadis ku sameysay Masuuliyiintii Amniga iyo Siyaasadda ee Degmooyinka Bookh iyo Wardheer ee Gobalka Doolo, kaddib cabashooyin fara-badan oo ay ka gudbiyeen Dadka degaanka.

Sidoo kale, Masuuliyiin cusub ayaa loo soo magacaabay Hoggaanka Nabad-galyada iyo Masuuliyiinta Degmooyinkaas.

Halkaan Hoose ka Akhriso Masuuliyiinta la bedelay.

Bookh  waxa xilkii laga qaaday

1:Gudoomiyihii degmada
2:Gudoomiye kuxigeenkii degmada
3:Madaxii maaliyada
4: Madixii beeraha
5: Madax xafiseedkii ciyaaraha

Wardheer waxa xilkii laga qaaday

1:Hogaankii nabad galyada
2: Madaxii caafimaadka
3: Madixii arramaha haweenka
4: Madixii arimaha siyaasada
5: madax xafiiseedkii xoolaha