Muxuu kaga hadlay Madasha PDRC Talks Siyaasi CC Warsame ? (VIDEO)

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa xalay ka qeybgalay Madasha ee PDRC Talks, oo ay Garoowe ku qabato Hay’adda Cilmi baarista iyo Hormarinta Puntland ee PDRC.

Halku dhigga Madasha oo aheyd tii 13-aad ayaa aheyd Ubucda Mushkiladda Dowlad Dhiska Soomaaliya iyo Xilliga Kala Guurka Siyaasadeed 2020/2021.

Siyaasi CC Warsame ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, xilliga kala guurka iyo xaalada doorashada oo aanay weli caddeyn, waxaana uu sheegay in dowladda hadda jirta aysan diyaar u aheyn doorasho la isla oggol yahay inay qabtaan.

Mr.Warsame ayaa si gaar ah u xusay in Madaxdii hore waqtigii ay doorashada qabanayeen ay ku jirtay inay Guuleysan karaan haddii doorasho qabtaan, laakiin Madaxda hadda joogta guuldarada u muuqata darteed ay masiirka Dalka u gilgilayaan, isagoona intaas ku daray in xusulduubkaas uu keenay in aysan doorashada caddeyn illaa maanta.