XOG: Somaliland oo dooneysa inay la wareegto Degmada Boocame ee G. Sool

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Taliyaha Ciidamada Gen. Nuux Ismaaciil Taani, oo Sabtidii Kulan qarsoodiya Hargeysa kula yeeshay Saraakiil Ciidan oo ka yimid Gobolka Sool, ayaa kala hadlay sida ugu fudud ee Somaliland ku qabsan karto Degmada Boocame ee Gobolka Sool, sida ilo-wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Shabakadda Idil News.

Wasiirka Maxamed Kaahin, ayaa u sheegay Saraakiisha ka soo jeeda Gobolka Sool, in wakhtigan aan loo baahnayn dagaal toos ah oo dhexmara Puntland iyo Somaliland, maadaama sida uu xusay labada dhinac uu ka dhexeeyo Heshiis Nabad-gelyo, balse loo baahanyahay in la abaabulo Ciidamo Xooggan oo Degaanka ah, kuwaas oo Puntland ka fara-maroojiya Degmada Boocame.

Gen. Taani, oo isna hadal kooban u jeediyay Saraakiisha, ayaa sii xoojiyay Hadalka Wasiirka, isagoo ka dalbaday Saraakiisha in ay abaabulaan Ciidamo Degaanka ah, oo ku hawlgala magaca Somaliland, si Degmada Boocame loo soo geliyo Gacanta Somaliland.

Labada mas’uul, waxay sidoo kale saraakiisha Reer Sool u sheegeen, in Abaabulka loo ekaysiiyo mid ka yimid Dadka Degaanka oo taageersan Somaliland, balse laga ilaaliyo in uu u muuqdo mid Somaliland abaabushay.

Sidoo kale, Saraakiisha Reer Sool ayaa ballan-qaaday in ay ku dhaqaaqi doonaan abaabulka iyo diyaarinta Hawshaas, waxaase ay dalbadeen Kharashkii lagu fulin lahaa Qorshaha, kaas oo mas’uuliyiinta Somaliland ballan-qaadeen.

Somaliland iyo Puntland,ayaa loolan adag uga jira sidii ay midba midka kale uu deegaanno cusub ugala wareeriga lahaa, xeelad kasto ha u maree, waxaana xusid mudan in tiro ka dhowr jeer ah ay labadan Maamul ugu dagaalameen deegaanno hoosyimada Gobolka Sool.