Axmed Madoobe oo tababar u soo xiray Cutubyo kamid ah Ciidammada Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray Cutubyo katirsan Ciidammada Darawiishta Dowladda Jubaland.

Ciidamadan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qaybqaadanaya Howlgalada ka dhanka ah Kooxda Al-Shabaab oo ay wadaan Ciidamada Darawiishta Jubaland.

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Jubbaland la hadlayay Ciidammada cusub, ayaa sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka xorta ah sidoo kalana ay Ciidamadan qaadi doonan howlgal ka dhan ah deegaanada ay Argagixisadu ku sugan yihiin, iyagoo kaashanaya dadka Shacabka ah si ay uga dulqaadan dhibaatada ay Argagixisadu ku hayso.