Maxaa looga hadlay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo FAHAD YAASIIN ?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin, ayaa kulan xasaasi ah xalay ku yeeshay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, sida ilo-wareedyo rasmi ah ay inoo xaqiijiyeen.

Kulanka oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaan la ogeyn Ajandaha rasmiga ah ee looga hadlayay, balse warar ay heshay Shabakadda Idil News ayaa tibaaxaya in looga arinsanayay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee XFS iyo sidii mowqif looga yeelan lahaa kulamada ay Muqdisho ku yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland oo maanta ku wajahan.

Sidoo kale, Wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka lagu dhameeynayay madmadow maalmihii ugu dambeeyay soo kala dhexgalay Madaxweyne Farmaajo iyo Agaasimaha Hay’adda NISA, kaddib guul-darooyinkii Villa Soomaaliya kala kulantay Shirarkii Dhuusamareeb iyo cadaadiska beesha caalamka.