Ciidanka Puntland oo Albaabada 4 Iskuul oo ku yaalla Gaalkacyo

Ciidammada Amniga Dowladda Puntland ayaa Albaabada u laabay 4 Iskuul oo ku yaallay magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo lagu eedeeyay inay hoos-tagayeen Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna manaahij khaldan oo aan aqoon sal ku laheyn u dhigayeen Ardayda.

Iskuulada Albaabada ay u laabeen Ciidammada Booliska Puntland ayaa kala ah Dugsiyada sare ee Hormuud, Cabdullaahi Yusuf, National iyo Waabari oo dhammaantood ku yaala Gaalkacyo, Ciidanka ayaana sidoo kale xabsiga dhigay Maamulayaashii Iskuulada.

Guddoomiyaha Guddoonka Waxbarashada Gobalka Mudug Axmed Haruuse ayaa sheegay in goobahan Waxbarasho ee ay maanta xireen yihiin iskuulo Fawdo ah kuwaasi oo horey Dacwadooda loo gudbiyey lagana leeyahay DFS.