DEG-DEG: Axmed Madoobe oo shuruud adag ku xiray la shirka MD Farmaajo

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, uu shuruud adag ku xiray ka qeyb-galka Shirka la filayay inuu caawa u furmo Madaxweynaha DFS iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland, kaas oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Dalka.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la sheegay in uu shardi adag ka dhigtay inaysan gelaynin wax wadahadalo ah ilaa dowlada Federaalka ay ciidanka ay geysay Gedo iyo maamulada ay ka samaysay laga soo saaro gobolkaasi.

Lama oga sida ay looga gudbi doono sharuuda adag ee Madaxweynaha Jubbaland ku xiray Shirkan oo ay dabada ka riixayso Beesha Caalamka.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.