Madaxweynayaasha DFS, Puntland iyo Jubbaland oo kulan u furmayo maanta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan rasmi ah maanta uga furmaya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacaya xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa noqon doona mid Albaabadu u xiran yihiin, iyadoona looga arinsanayo Marxalada dalka gaar ahaan Doorashooyinka 2020/2021, iyo sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka soo jiitamayay mudada dheer.

Kkulanka Madaxweynayaasha ayaa waxaa ka horeeyey kulan dhexmaray Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Wakiilada Beesha caalamka oo ku sugayay shalay Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa horey u diiday ka qeybgalka Shirkii Dhuusamareeb 3, iyo War-murtiyeedkii kasoo baxay.