Qaramada Midoobay oo kulan u qabanaysa Madaxda DFS & Dowlad Gobaleedyada

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay inay kulan heersare ah u qabanayaan Madaxda Dowladda federalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kajira, kaas oo lagu maamuusayo sanad-guuradii 75aad ee 21 Sebtember oo ku astaysan maalinta nabada adduunka.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah hoggaamiyeyaasha Adduunka oo ay kamid yihiin hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Soomaaliya, iyada looga hadli doono mustaqbalka waxa laga doonayo inay qabtaan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ka dooneyso hoggaamiyeyaasha Siyaasadda xaqiijinta balan qaadeed ee wadajirka ah oo ay sameeyeen si loo helo suurtagalnimada in fuliyo balan qaad yadaas.

Inta uu kuanka socdo ayaa waxaa la filayaa in Dowladda Federaalka iyo xafiiska UN-ka ee Soomaaliya inay isla cadeeyaan mudnaanta howlaha shanta sano ee soo socota iyadoo qayb ka ah Qaab-dhismeedka Iskaashiga 2021-2025.

Kulankaan ay Qaramada Midoobay sheegtay inay u qabaneyso hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Dowladda Soomaaliya ay dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo waxqabadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, isla markaana ashtako ka dhan ah ay u gudbisay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.