XOG: Maxaadan ogeyn oo ay ka wada hadleen Deni, Madoobe & Beesha Caalamka ?

Faah-faahino dheeraad ah kulan Talaadadii ku dhexmaeay Garoonka diyaaradaha Muqdisho Madaxweynayaasha Dowladda Puntland iyo Jubbaland Dr. Siciid C/llaahi Deni & Axmed Maxamed Islaam iyo Safiirada Beesha Caalamka.

Kulanka oo ku bilowday kulamo gaar gaar ah oo dhexmaray Safiirka Mareykanka iyo Labada Madaxweyne, ayaa dib ka balaartay iyadoona ay kusoo biireen Safiirada dalalka UK, Sweden, Midowga Yurub, iyo Talyaaniga.

Ugu horeyn Safiirada Beesha Caalamka ayaa kusoo dhaweeyay Muqdisho, labada Madaxweyne, iyagoona ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan in dalka si is-ogal ah looga saaro Marxalada kala guurka ah, loona qabto Doorasho waqtigeeda ku dhacda.

Madaxweynayaasha Dowladda Puntland iyo Jubbaland ayaa Safiirada Beesha Caalamka la wadaagay walaacooda ku aadan in hoggaaminta Madaxweyne Farmaajo ay dalka u horseedo meel ay adag tahay in dib looga soo celiyo iyo inay dhimato hanka caalamku uu ugu jiro dowlad dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa sheegay in aysan wax kalsooni ah ku qabin fulinta heshiis kasta oo ay la galaan Madaxweyne Farmaajo, maadama uusan laheyn balan, taas badalkeedna ay door bidayaan in ay qeyb ka noqdaan kulanka.

Dhanka kale,  Safiirada Beesha Caalamka ayaa muujiyay in aysan jirin wadiiqo loogu hagaago Madaxweyne Farmaajo, ayna walaac lamid ah tooda qabaan, balse ay Beesha caalamku u dul-qaadan doonin inay lumiso Soomaaliya xasiloonida iyo Dilmuquraadiyadda ay ku bixisay balaayiin dollar, ayna damaanad qaadi doonaan fulinta heshiis kasta oo ay wada gaaraan dhinacyadu.