Wasiirka Kalluumeysiga Puntland oo la kulmay Ganacsatada kalluunka (Sawirro)

Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Dawlada Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax, ayaa kulan kula qaatay Magaalada Boosaaso Ganacsatada kaluumaystada ah ee Gobalka Gobalka Bari.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray Caqabadaha heysta Kalluuumeysatada iyo sidi loo wada shaqayn lahaa, Wasiirka ayaana u sheegay Ganacsatada inay dadaal ugu jirto Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland in sare loo qaado Wax soo saarka Kalluunka iyo cunistiisa.

Sidoo kale kulanka waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada Dawlada Puntland Dr. Cabdirisaaq Jaamac Adan.