Farmaajo, Deni & Madoobe oo kulan u furmayo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe), ayaa goor-dhow kulan ku yeelanaya Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

Kulanka oo horu-dhac u ah Shirka Wada-tashiga Arrimaha Doorashooyinka ayaa loogu gogal xaarayaa sidii isfaham kooban ay uga gaari lahaayeen dhinacyadu arrimaha hor-taagan furitaanka shirka iyo sidii loogu yeeri lahaa 3 Madaxweyne Dowlad Gobaleed ee shirkan ka maqan.