Puntland oo aastay Baraago ka qodnaa hareeraha Garacad (Sawirro)

Maamulka deegaanka Garacad iyo Ciidamada Puntland ayaa maalintii 4aad wada howlgalo lagu hagaajinayo dhul daaqsimeedka deegaanka Garacad, Waxaana la aasay baraago badan oo laga qoday hareeraha Degaanka.

Maamulka iyo dadwaynaha ayaa isla qaatay 3-KM wixii ka baxsan inay tahay dhul daaqsimeed, inaan wax laga dhisan karin, lana gadan karin.

Gudoomiyaha deeganka Garacad Maxamuud maxamed C/dille “Shoox” ayaa sheegay cidii aan u hogaansamin shuruucda deegaanka u taal in tilaabo sharci ah laga qaadi doono.