Safaaradda Mareykanka oo fariin u dirtay hoggaamiyaasha Soomaalida (Akhriso)

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku boggaadisay Madaxtooyada Villa Somalia inay si wadajir ah Muqdisho isugu keenaan Madaxda dowlad Goboleedyada, iyadoona sidoo kale uga mahad-celisay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor doorkii hoggaamineed ee shirkii Dhuusamareeb 3.

Safaraadda Mareykanka ayaa ku dhiira-gelisay DFS iyo Dowlad Goboleedyada inay dhameystiraan mabaa’diida heshiis ee ku saabsan is afgarad sal ballaaran leh oo laga gaaro Hanaanka doorasho ee dalka.