Kulanka looga hadlayo Amniga Jubbaland oo lagu qabtay Kismaayo (VIDEO)

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka bilaha ah ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo bishiiba mar la qabto.

Kulankan waxaa ka soo qaybgalay golaha Xukuumada ee golaha amniga katirsan, Gudoomiyaha Gobolka, Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland, Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa AMISOM, iyadoo diirada lagu saaray qodobo kala duwan oo ay ugu weyntahay sidii loo dardar galin lahaa sugida nabadgalyada iyo howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Bogaadiyay xoraynta degaanka Janaay Cabdalle oo ahaa degaan aad muhiim ugu ah Dowlad Gobaleedka Jubbaland.