Puntland oo digniin u dirtay Hay’adaha UN & NGO-yada ka howlgalla Degaanadeeda (Akhriso)

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland mudane Jaamac Faarax Muuse, ayaa soo saaray Habka Shaqaalaysiinta Shaqaalaha Dowliga ah Puntland iyo kuwa aan Dowliga ahayn.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ayaa uga digay dhamaan Haayadaha kala duwan ee dowladda Puntland kuwa UNka, INGOs iyo LNGO inay shaqaaleysiiyaan Shaqaale aysan ogeyn Wasaaraddu, isagoona sheegay in aysan sharci ahayn shaqaale kasta oo lagu qaato qaab aanay waafaqsanayn Sharciga iyo xeerka Shaqo qorista ee Puntland.