Webiga Shabelle oo ku fatahay Beledweyn iyo Barakac ka socda (Sawirro)

Boqolaal shacab ah oo ku nool magaalada Baladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa bilaabay inay ka barakacan guryahooda kadib markii daadad ka soo rogmaday webiga ay sameeyeen xaafaddaha iyo xarunta maamulka Gobolka Hiiraan.

Dadkan ayaa u barakacay deegaanka Ceel-Jaale, waxana duruufaha ugu badan ee qoysaskan heysta kamid ah hoy la’aan, biyo la’aan iyo musuq la’aan.