Axmed Madoobe oo ka qeyb-galay Aaska AUN Guddoomiye Shaafi (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.

Labada Madaxweyne ku xigeen Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale ka qaybgalay Aaska Marxuum Shaafi Raabi Kaahin.

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay goobta Aaska ayaa sheegay in dhagarta Argagixisada ay tahay mid mudan in laga wada qaybqaato sidii looga hortagi lahaa isagoo sheegay in qof masaajid ilahay kasoo baxay in la dilo ay tahay mid uu Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey.

Waxaa uu Madaxweynahu intaas ku daray in Shacabka iyo masuuliyiinta ay u Siman yihiin Kooxda Al-Shabaab isagoo Tusaale usoo qaatay goob ay dadweyne ku shaahayeen Magaalada Muqdisho oo maalmo kahor uu isku qarxiyay naftii halige.

Madaxweynaha ayaa Shacabka ree Jubaland iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka Argagixisada si loo xaqiiiyo himilada Shacabka Soomaaliyeed ee ah inay Nabad iyo xasilooni ku noolaadan.