Beesha caalamka oo bogaadisay Shirka Muqdisho

Saaxiibbada Caalamka waxay soo dhoweynayaan dib u bilaabashada wada-hadalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shanta Dowlad Gogoleed ee Xubnaha ka ah Federaalka ee Muqdisho ka socda.

Saaxiibbadu waxa ay ku boorrinayaan Madaxda Soomaaliyeed inay si buuxda uga wada qayb-qaataan wadahadal dhab ah, oo uu ujeedkiisu yahay in heshiis ballaaran laga gaaro hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo, lana hirgelin karo.

Jibril Qoobey.