DAABACADA LACAGAHA CUSUB EE ITOOBIYA IYO XOGO MUHIIMA

DAABACADA LACAGAHA CUSUB IYO XOGO MUHIIMA

Xisbiga Barwaaqo ee uu majaraha u hayo Abiye Ahmed,ayaa si lama filaana ku dhawaaqay in lacagtii hore la baddalay,qorshahan oo la sheegay in si qarsoodiya loo wadday ayaa saddex bilood lagusoo afmeeri doonaa. Illaa hadda Bangiga Itoobiya ayaa sheegay innay daabaceen lacag gaadhaysa 2.9 Billon(Labba bilyan iyo sagaal boqoloo milyan).

Waxaan qoraalkan ku iftiimin doonaa,saameynta qorshahan uu dhaqaalaha ku yeelan karo,caqabadaha ka iman kara iyo waliba qorshaha Abiye Ahmed ka maagan yahay.

QORSHAHA XUKUUMADA.

Dabacada iyo wax ka baddalka lacagtii hore waxay xukuumada Abiye Ahmed ka faa’iidi doonta arrimahan:-

□ Waxaa Dawladda gacanta usoo gali doona lacagihii suuqa ku jiray,waxayna fursad u heli doonta innay ku kabto caqabadaha kajira Macro-Economy-ga dalka.

□ Waxay Dawladdu fursad u heli doonta innay la socoto dhaq-dhaaqa lacagaha dalka,maaddama Bangiyada lacagaha lagusoo xarayn doono islamarkaana qorshe loo qaatay innaan wax lacaga guryaha loogu tagin.

□ Dhaqaale ahaan waxaa la xakamayn doona ganacsiga Kontarabandhiga iyo silsiladaha u xidhiidhsanaa ganacsato gaara. Sigaara kooxdii TPLF oo dhaqaale baddan gacanta ku haysay ayaa la xakamayn doonaa.

□ Dakhligii Dawladda ayaa kor u kici doona,waxaana isku dheeli tirmi kara wax-soosarka guddaha iyo dibada.(Import and Export).
□ Lacagtii Itoobiya oo qiimo jab ku yimid ayaa kor loogu qaadi doona,siddoo kale sarifka ayuu wax ka baddali karaa.

CAQABADAHA

Maadama dalka dibadiisa iyo guddahaba lacagtii horee gaadhay,maadama qorshahan si qarsoodiya loo wadday islamarkaana meelo baddan aysan dadku si fudud bangiyada ku iman karin waxaa ka dhalan karta masiibo balaadhan oo ay kamid tahay Deganaansho la’aan dhaqaale(Economic Instability).

Siddoo kale qorshahan ayaa sicir barar keeni kara haddii aan la odorosin tallaaboyinka la qaadayo(Zimbabwe wixii ka dhacay ayaan tusaale usoo qaadan karnaa).

Shirkada gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada ayuu soo foodsaari karaa Cash-la’aan sidda laga bartay dalalka horay usameeyay qorshahan.

Iskusoo duubo qorshahan waa mid halistiisa wata oo u baahan taxadar baddan,waxaase muuqata in xukuumada Abiye Ahmed diyaarisay tabbihii lagaga gudbi lahaa.

Maqaal kale oo aan siyaasada dalka ee Monetarty Policy-ga ku eegayno ayaan idinla waddaagi doona.


VOSS TV