ETHIO TELECOM OO ADEEGEEDA LAGA CAWDAY

Addeeg xumo baahsan ayaa ka jirta xaruumaha is gaadhsiinta ee Jigjiga. Qofku hadduu addeeg u doonto way addagtahay sidduu ku helo,waxaa intaas udheer innaan magaalada la gaadhsiin addeegii Wifi-da.

Addeega Wifi-da haddii aad u baahato innaad xaafad soo gashato waxay kugu qaadanaysa dhawr bilood,haddii kale waa innaad lacag guno ah bixisaa. Waa lagu diwaan galiyaa,kadidib bilaad sugi, kaddib maalmay guri iman kaddib bilay kaa maqnaan kaddib tirka la fuuli kaddib ….. waa sheeko taxane laga dhigayo oo maalin lagu dhamayn karay.

Waxaa kaaga daran haddii uu kaa ciladoobo ama aad wax ka baddal u baahato way adkaanaysaa innaad addeeg ka hesho.

Xafiisyada DDS ee ay khusayso tabashadan waa inay ka jawaaban. Waa in shirkadan ummada dhibka ku haysa laga qabtaa.
VOSS TV