Khilaaf soo kala dhexgalay Deni iyo Gudoomiyaha G.Mudug

Cabdiladiif Muuse Nuur-yare Kabas waxay ubadan tahay in uu waayo kursiga Aqalka-sare ee uu ugu jiro Ruclaha.

Madaxweyne Deni oo uu hordhigay cidsigiisa ah in uu ku daro musharaxiinta utartamaysa Kursigaas,ayaa ku gacansayray una sheegay in shaqada uu hayo kasoo dhalaalo.

Sida xoguhu sheegayaan Deni Kursiga waxuu la rabaa Gabadha hada fadhida ee Shukri Aadan Camey.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Kamas,waxaa horay ujiray madmadow soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha,kaasoo ka yimid…

1.Isku dhac Wasiirada qaarkood iyo Gudoomiyaha ah.

2.Buuqii ka dhashay dhisidii golaha Deegaanka Bursaalax oo sababtiisa ubadan uu yeeshay Gudoomiye Kamas.

Gudoomiyaha Mudug hada waxuu ku sugan yahay Nayrobi isagoo caro ka muuqato lagana dareemayo kala fogaanshaha isaga iyo Madaxweynaha.

Jibril Qoobey.