Somaliland oo doonaysa inay goor-dhow la wareegto Boocame.

Maleeshiyo beeleed taabacsan Maamulka Somaliland ayaa dhaq-dhaqaaq Ciidan ka wada Degmada Boocame ee Gobalka Sool, iyagoona doonaya inay la wareegaan gacan ku heynta Degmada oo ay ka arimiso Puntland.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay ay duleedka degmada Boocame isku aruursanayaan maleeshiyo kasoo jeeda Degmada, kuwaas oo Somaliland la galay heshiis ah inay gacanta u soo galiyaan Boocame, taas bedelkeedana la siiyo dhaqaale, sidoo kalena loo qoro Mushaaraad.

Puntland ayaan weli ka hadlin xaalada kasoo cusboonaatay Degmada Boocame, oo ah Degmada kaliya ee ka tirsan Gobalka Sool taas oo ku jirta gacanteeda.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.