Duulimaadyadii diyaaradaha taga Beledweyne oo Istaagay

Roobab xooggan oo ka da’ay Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa sababay inay istaagaan duulimaadyadii diyaaradaha taga Beledweyne, iyadoona ay biyo fariisteen gudaha Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Mid kamid ah Shaqaalaha Garoonka ayaa Warbaahin u sheegay in hakad ku yimid duulimaadyada diyaaradaha ay sababtay kaddib markii Biyuhu fariisteen Wadada ay ku ordaan diyaaraduhu, sidoo kalena laga baqay in biyuhu ay godad u sameeyaan Garoonka oo ah Jey.

Dadka Reer Beledweyne ee u socdaalaya maanta Muqdisho ayaa gaari ku tagaya Degmada Guriceel ee Gobalka Galgaduud oo ay kasii raacayaan diyaarad.