Garyaqaan kamid ahaa Maxkamadda Ciidammada Puntland oo la dilay

Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi Jaamuus oo kaaliye ka ahaa Maxkamadda Derejada-koowaad ee Ciidamada Puntland ayaa xalay lagu diley magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Dilka Marxuumka ayaa ka dhashay Rasaas ay is-weydaarsadeen Ciidammada Booliska Garoowe iyo kooxo Mukhaadaraad gacanta kula jiray, sida ay inoo xaqiijiyeen Masuuliyiin katirsan Puntland.

Hay’adda CID Puntland ayaa ku howlan baarista dilka Marxuum iyo cida laheyd rasaas haleeshay xilli uu ku sugnaa mid kamid ah Xaafadaha Garoowe.