Karaash oo loolan adag kaga guuleystay saaxiibka Madaxweyne Deni

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kaga guuleystay Ganacsadaha ay saaxiibka yihiin Madaxweynaha Dowladda Puntland Maxamuud Shide keenista xubinta Beesha Dhulbahante ee kamidka noqonaysa 2 xubnood ee Puntland ku matalaya Guddiga farsamada Doorashooyinka Dalka ee heer Federaal.

Axmed Karaash oo garab ka helaya Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Puntland ahna saaxibada dhow ee Madaxweynaha Maxamed Dhabancad ayaa ku guuleystay in xubinta laga dhigo Ninka kasoo jeeda Beesha Ugaaryahan.

Maxamuud Shido ayaa doonayay in xubinta Beesha Dhulbahante laga dhigo Nin uu watay oo kasoo jeeda Bah-Hararsame, kaas oo ay ehel dhow yihiin, laguna magacaabo Daa’uud Bisinle.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa laga yaabaa inuu goor-dhaw ku dhawaaqo Labada xubnood ee Puntland ku matalaya Guddiga farsamada Doorashooyinka ee heer Federaal.