Shirka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo looga hadlay qodobo dhowr ah (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir gudoomiyey shirka khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed oo Todobaadkan looga hadlay Xaaladaha kajira Deeganada Koonfur Galbeed iyadoo Warbixino kala Duwan laga kala dhagaystay Wasiiradaha Wasaaraddaha Amniga,Arimaha Gudaha,Howlaha Guud,Waxbarashada,Sportska,iyo Dekedaha.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Golaha Wasiiradda ku bogaadiyey Howlaha shaqo ee ay uhayaan Shacabka waxaana uu ku dhiirageliyey inay sii laba jibaaran sidii looga miradhali lahaa Himilooyinka Shacabka Koonfur Galbeed.