Xaliimo Yareey oo eedeyn u jeedisay D/Gobaleedyada, marka laga reebo Puntland

Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil ( Xaliimo Yareey) ayaa ku eedeeysay Madaxda Dowlad goboleedyada inay ku xad-gudbeen heshiis horay loo gaaray, isla markaana ay xaqireen doorka haweenka ay ku leeyihiin siyaasadda.

Qoraal ay Xaliimo yareey soo dhigtay Barteeda Twitter-ka ayaa waxaa ay ku sheegtay in guddiyada Doorashooyinka & Xalinta khilaafaadka ay soo Magacaabeen dowlad goboleedyada aysan wax door ah ka siin haweenka marka laga reebo Puntland, waxaana ay baaq u dirtay RW Rooble.

“Mudane Ra’iisul wasaare, waa wax laga xumaado, marka laga reebo Puntland, inta kale ee madaxda  Dowlad Goboleedyada ah inay haweenka ka reebeen guddiga doorashada. Tani waxay xadgudub ku tahay mabaadi’da heshiiska hoggaamiyeyaasha ay gaareen ayay tiri ( Xaliimo Yareey).

Dowlaha xubnaha ka ah DFS ayaa soo gudbiyay xubnaha Guddiyada doorashada & xalinta khilaafaadka ku matalaya, waxaana hal xubin oo haween ah ku daray Xubnahaas Puntland.