Kulan looga hadlayo joojinta Gudniinka Haweenka oo Garoowe ka dhacay (Sawirro)

Wasaaraddaha Hurumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo kaashanaya hay’adda (NCA) ayaa qabatay kulanka seddex biloodlaha ah ee bahda joojinta gudniinka waxaana ka soo qayb galeen dhamaan Hay’adaha ka shaqeeya Joojinta gudniinka gabdhaha.

kulankaan ayaa ulla jeedkiisu ahaa sidii hal fariin oo ku wajahan Joojinta Gudniinka noocaan ah loo gaarsiin lahaa bulshada iyo sidii loo samayn lahaa sharci mamnuucaya Gudniinkaan oo ay meel mariyaan culima oow diinka Puntland iyo Hay’adaha ku shuqul leh.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka Marwo Sahro Kiin Cabdi oo furtay kulankaan ayaa siwayn ugu mahadcelisay dhamaan ka soo qaybgalayaasha, ayadoona ku dheeraatay dhibaatooyinka uu leeyahay nooca gudniinka ah oo Puntland laga sameeyo.