Muxuu yahay Ujeedka socdaalka Madaxweyne Deni ee Itoobiya ? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntand Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda, Saraakiil Madaxtooyo iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Deni ayaa Casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo ay ka WADA-hadli doonaan xoojinta xiriirka Puntland iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada, Amniga, Ganacsiga.