Maxaa ka socda Gobolka Tigray ee Dalka Itoobiya ?

Girmay Gebru, oo ah wariyaha BBC-da laanteeda ku hadasha afka Tigray-ga,ayaa soo tabisay in aroornimadii Arbacada dhawaaqa rasaasta laga maqlayay gudaha magaalo madaxda Gobolka Tigray ee Mekelle, laakiin markii dambe xasiloonida,ayaa dib usoo noqotay.

Dadka deegaanka ma heystaan koronto, khadka telefoonka ama adeeg internet toona.

Isu socodka dadka lugeynaya,ayaa hadda caadi ugu soo laabtay magaalada, laakiin gaadiidka dadweynaha,ayaa shaqada joojiyay maadaama maamulka ay soo rogeen xayiraado adag oo dhinaca dhaqdhaqaaqa ah.

Waxaa sidoo kale la xiray hawada gobolka, sida ay wararku sheegayaan.

Waxaa xiran dhammaan bangiyada iyo xafiiska kaliya ee ay halkaas ku leedahay shirkadda telefoonnada ee Itoobiya.

BBC.