Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Hirshabelle oo dooranaya Guddoon

Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Hirshabelle ayaa maanta dooranaya Guddoon cusub ee Baarlamaanka, kaddib markii ay taladaadii dhageystay khudbadaha musharixiinta Guddoonka.

Musharixiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle iyo labadiisa kuxigeen oo lix gaaraya ayaa waxaa Magacyadoooda ay kala yihiin.

1: Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

2: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya Jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle.

3: Xildhibaan Mahad Xassan Cusmaan iyo Xildhiban Marwo Canab Axmed Ciise oo u tartamaya Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka 2aad Ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.