WAR DEG DEG AH: Joe Biden oo ku guuleystay Doorashada Mareykanka

Joe Biden oo ahaa Musharax Xisbiga Dilmuquraadiga ayaa ku guulaystay doorashada Maraykanka, isagoona noqday Madaxweynaha 46-aad ee Dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Kamala Harris ayaa noqotay Gabadhii kowaad ee Madaxweyne ku-xigeen ka noqota Mareykanka.

Joe Biden, oo ah 77 sanno jir ayaa horey u soo noqday Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Dalka Mareykanka, waxaana lagu xasuustaa xaalada adag oo uu garab ku siiyay Madaxweynihii hore Brack Obama in Mareykanka laga gudbiyo.