Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Xafiis ka furtay Ufayn (VIDEO)

Wafdi ka socda Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC oo dhawaanahan waday Wacyigalinta bulshada, furida xafiisyada iyo qaadista imtixaanka dadka ku guulaystay liiska gaaban(short list) ee u kala tartamaya Gudoomiyaha xafiisyada Guddiga doorashooyinka ee dagmooyinka Eyl, Ufayn iyo Gobolka karkaar, ayaa galabta furay Xarunta Guddiga doorashoo
yinka ee dagmada Ufayn.

Xaruntan ayaa waxa si wada jira u xarig jaray Guddoomiye ku xigeenka TPEC Jaamac Xirsi Farax iyo Gudoomiyaha degmada Ufayn Maxamed Axmed Saalax, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qaar kamida Ururada Siyaasada ee Xarumaha ku leh degmada Ufayn.

Sidoo kale Guddigu waxay kulan wacyigalin ah oo looga hadlayay nidaamka axsaabta badan gaar ahaan isu diyaarinta diiwaangelinta codbixiyayaasha ay la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool Ufayn.