Shirka la xisaabtanka Hay’adaha ka howlgalla Puntland oo bilowday (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Qoysheynta, Hormarinta Dhaqaalaha iyo Xariirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland Mudane C/qafaar Cilmi Xaange ayaa magaalada Garoowe ka daah-furay shir looga hadlayo shaqooyinka Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ay ka qabtaan deegaanada Puntland, kaas oo sanadkiiba mar la qabto.