Boosaaso: Ciidanka Puntland oo toogasho ku dilay Labo dhalinyaro ah

Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland ayaa xalay magaalada Boosaaaso ee xarunta Gobalka Bari ku dilay laba wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo qayb ka ahaa dagaal xaafadeed dhexmaray dhalinyaro Laba Garab ah, oo ku dagaallamay gudaha magaalada.

Ciidanka dilka geystay oo katirsanaa Qeybta Booliska Gobalka Bari, ayaa doonayay in ay xir-xiraan dhalinyarada dagaallamay, iyagoona Rasaas xooggan u adeegsaday dhalinyarada, taas oo sababtay geerida labada marxuum.

Sidoo kale, Booliiska ayaa xabsiga dhigay tiro kamid ah dhalinyaradii dagaallantay, kuwaas oo laba xaafadood isu diriray, islamarkaana qaarkood dhaawacyo qabaan, halka qaar kalena aan weli gacanta lagu dhigin.