Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee Baarlamaanka Puntland ?

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta ku yeelanaya xaruntooda Garoowe kulan xasaasi ah, kaas oo uu Shir guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Ajandaha kulanka ayaa ah Ansixinta Xeerka Isgaarsiinta Dowladda Puntland oo Goluhu kulamadii u dambeeyay ay ka yeesheen dood adag.