Guddiga doorashada Dadbad oo lagu baaqay in la kala diro

Hay’adda Cilmibaarista Heritage ayaa Warbixin ay soo saartay ku dhaliishay qaabka ay ku socdaaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya gaar ahaan guddiga doorashooyinka ee dhawaan lagu dhawaaqay.

Markii asbuucii hore uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya magacaabay Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka, dalka waxaa u soo hormartay tilmaan muujinaysa waxa laga fili karo doorashada soo socota ee baarlamaanka iyo midda madaxweynaha ee dalka, taas oo ah: dib ugu noqosho wax isdabamarin baahsan oo la mid ah doorashadii 2016-ka.

Heritage ayaa sheegtay in guddiga loo xil saaray in doorashada ay qabtaan ay ku jiraan saraakiil ka tirsan xafiiska Madaxweynaha iyo midka Ra’iisul Wasaaraha, saraakiil xafiisyada madaxda dowlad goboleedyada, diblomaasiyiin, saraakiil amni iyo shaqaale dowladeed.

Heritage ayaa sheegtay in guddiga doorashooyinka iyo midka iyo xallinta khilaafaadka ee laga soo buuxiyey shaqaalaha iyo taageerayaasha madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedka loona baahan yahay in la kala  diro.

Waxa ay hay’adda soo jeedisay in lagu beddelo guddi ay ku jiraan shakhsiyaad sumcad ku dhex leh bulshada. Haddii madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada aysan awoodin inay magacaaban guddi dhexdhexaad ah, walba ha soo magacaabaan guddi ay iska arki karaan dhammaan saamileyda siyaasadda, oo ay mucaaradku ku jiraan.