Ciidammada Puntland oo howlgallo ka wada Buuraleyda Gobalka Bari (Sawirro)

Ciidammada Difaaca Dowladda Puntland ee PSF-ta iyo Daraawiish-ta ayaa Howlgallo wadajir ah oo lagu xaqiijinayo Amniga ka sameeyay tuulada Karin iyo buuraleyda Ceel Onkud iyo Muguc, kuwaas oo 45-KM dhanka koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Deegaanada Howlgalka ay ka sameeyay Ciidammada ayaa waxaa Saldhig ku leh Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland, ee dagaalka kula jira Maleeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.