Debretsion “Waxaan duqeynah Garoonka diyaaradaha Asmara”

Madaxweynaha Ismaamulka Tigreega Debretsion Gebremichael, ayaa xaqiijiyey in ay xalay duqeeyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Casmara ee caasimadda Ereteriya.

Madaxweyne Debretsion ayaa sheegey in garoonkaas laga soo abaabulayey howlgal ka dhan ah iyaga.

Gantaalo culus ayaa xalay lagu garaacay goobo muhiim ah oo ku yaalla Magaalada Asmara ee Caasimadda Dalka Eritrea, ayna kamid yihiin Garoonka diyaaradaha Asmara, Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Xarunta Xoogga Korontada iyo Saldhig Ciidan.