QM oo war kasoo saartay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Wakiilka Qaramada Midoobay  ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa ka hadlay dagaalka mudada dheeraaday oo ay dowladda Soomaaliya kula jirto Ururka Al-Shabaab oo weli ku sugan degaano ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Amb, James Swan waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwo khatar amni iyo mid horumarineed  ku ah dalka Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in la sii wado dagaalka lagula jiro.

Wakiilka Qaramada Midoobay  ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan oo la hadlay Wargeyska Daily Xayaat ee kasoo baxa dalka Turkiga ayaa waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in weli ay Al-Shabaab yihiin kuwo xoogan oo weeraro fulin kara, hayeeshee u baahan in laga hortago.

“ Al-Shabaab waxaa halis amni oo weli kajirta Soomaaliya, waxaa muhiim ah in siwadajir ah looga wada hortaggo maadaama ay yihiin kuwo jira oo xiriir la leh al-qaacida, waxaana rajeynayaa inay noqdaan kuwo aan sii jiri karin oo taageero ka waaya Soomaalida ayuu yiri” Amb, James Swan.

Ugu dambeyn Wakiilka Qaramada Midoobay  ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan waxaa uu carabka ku adkeeyay in dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay iska kaashaan sidii looga hortegi lahaa weerarada Al-Shabaab, iyada oo aan lag eegeyn kaliya qaab Millateri.

Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay kamid tahay Hay’adaha Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo uu amniga kamid yahay, waxaana jira Hay’addo iyo dowlado kale oo Soomaaliya ka taageera dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.