Laamaha ammaanka Puntland & Saxaafadda oo Garoowe kulan ku yeeshay (VIDEO)

Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb-galay kulan looga hadlayo xoojinta wada-shaqeynta Laamaha ammaanka iyo Suxufiyiinta oo ka furmay Garoowe.

Kulanka oo socon doona Labo maalmood ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dowlada Puntland Eng. Maxamed Ciise Cismaan, Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) Maxamed Daahir Ceynsane, Masuuliyiinta Warbaahinta iyo Qareeno madax-banaan.

Kulankan oo ah kii 6-aad uuna soo qaban-qaabiyay Ururka MAP ayaa ujeedku yahay isku soo dhoweynta iyo xoojinta xiriirka shaqo ee ka dhaxeeya warbaahinta Iyo laamaha amaanka Puntland.