Wada-hadalo u bilaabanaya Abiy Ahmed iyo Tigreega

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ogalaaday Wada-hadalo dhexmaro Isaga iyo Hoggaanka Ismaamulka Tigreega, sida ay kusoo waramayso Warbaahinta caalamiga ah.

Wada-hadalkan oo ka bilaaban doona dhowaan Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Ugandha, ayaa waxaa garwadeen ka ah Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, iyo IGAD.

Wada-hadalkan ayaa hadii ay bilowdaan waxay guul Siyaasadeed oo taariikhi ah u tahay Ismaamulka Tigreega, halka ay guuldarro u tahay Maamulka Abiy Ahmed ee duulaanka ku qaaday Tigreega.