Puntland oo wada dayactirka Ceelasha Biyaha ee deegaanadeeda (Sawirro)

Wakaaladda Horumarinta Biyaha Dowladda Puntland ayaa dayactir iyo qalabeyn ku sameysay ceelka biyaha Tuulada Baqbaq ee Degamada Dangoroyo ee Gobolka Nugaal.

Dayactirkan ayaa yimid kaddib markii Dadka deegaanku ay codsadeen in la tayeeyo qalabka Ceelkan, oo ay ka cabaan Dadka Tuulada Baqbaq iyo Reer Miyiga ku xeeran.

Wakaaladda Horumarinta Biyaha Dowladda Puntland ayaa dhowaanahan ku howlaneyd sidii looga hirgalin lahaa deegaanada Puntland Ceelal biyoodyo cusub iyo sidii dayactir loogu sameyn lahaa ceelasha biyaha ee horey u jiray.