Sheekh Shariif iyo QoorQoor oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa, ayaa looga hadlay xaalada doorashada iyo muranka ka jira Guddiyada doorashada ee ay soo magacawday dowladda Federaalka.