Cumar Carte Qaalib oo ku geeryooday Hargeysa

Cumar Carte Qaalib, oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland.

Marxuum Qaalib ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanayay Magaalada Hargeysa, waxaana haatan socota qabanqaabada Aasitaanka marxuumka.