Madaxweynaha Puntland oo gaaray Magaalada Nairobi

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa goor-dhaweyd gaaray Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, kaddib safar muddo qaatay oo uu ku maray dalal kamid ah Bariga dhexe oo uu kamid yahay Dalka Imaaraadka carabta.

Madaxweyne Deni ayaa Garoonka diyaaradaha Nairobi waxaa kusoo dhaweeyay Wakiilka Puntland ee Dalka Kenya, Siyaasiyiin iyo xubno katirsan Baratakoolka Madaxtooyada Puntland, iyadoona soo dhaweyn kaddib loo galbiyay Hoyiga uu ka dagayo Magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Puntland ayaa maalmo ku sugnaan doona Nairobi, isagoona kulamo la qaadan doona Madaxda Dowladda Kenya iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa kulano la yeelanaya Siyaasiyiin qorsheynaysa inay u tartamaan Doorashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2020/2021, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay ku sugayay Nairobi.

Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.